Heshiis awood qeybsi ah oo dhexmaray Cabdiweli Gaas & Maxamed Cali (Ameeriko)

Heshiis awood qeybsi ah oo dhexmaray Cabdiweli Gaas & Maxamed Cali (Ameeriko)

Heshiis awood qeybsi ah oo dhexmaray Cabdiweli Gaas & Maxamed Cali (Ameeriko)

SomaliaObservatory – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan dhowaan ay Garowe ku yeesheen madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Cali Gaas & safiirkii hore Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo socdaal loogu magac daray “Nabadda” ku maraya qaar ka mid ah Gobolada dalka.

Maxamed Cali, oo muddo 10 sanno ku dhow hayey xilka safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa ogolaaday inuu xilka safaarada Kenya wareejiyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ay isku afgarteen in loo magacaabi doono xilka Guddoomiyaha & duqa Gobolka Banaadir, hasse ahaatee balanqaadkaasi wuxuu meelmar noqon waayey markii Guddoomiyaha xilka haya isaga oo isticmaalay odayaasha ugu magaca weyn beesha Mudulood uu ku guuleystay in Xassan Sheekh ay culeys ku saaraan in Muungaab xilkiisa loo daayo.

Safiirkii hore ee Kenya, oo isu arkay in balantii looga baxay ayaa billaabay inuu ka soo jeesto dhinaca kooxaha mucaaradka ku ah Madaxweynaha.

Mid ka mid ah xubnaha ku dhowdhow safiirka, ayaa saxaafada u soo dusiyey in Cabdiweli Gaas & Ameeriko kulankii ay Garowe ku yeesheen in ay qalinka ku wada duugeen heshiis awood qeybsi ah marka la gaaro 2016; Waxaanna heshiiskaasi qoddobadiisa ka mid ah: In Maxamed Cali ku gacan siiyo C/weli Gaas xilka madaxweynenimada, haddii uu xilkaasi ku guuleystana inuu R/wasaare isaga u magacaabi doono.

Advertisements

Posted on August 18, 2015, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: