Madaxweynihii hore ee Somalia oo maqaal xasaasi ah ka qoray xaalada siyaasadeed ee dalka (Akhriso)

SomaliaObservatory – Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo hadda ku sugan dalka Turkiga ayaa soo diray maqaal uu ka qoray xaalada Somalia ee xiligan kaasoo uu ugu magac daray (Soomaaliyey i Maqal).

Maqaalkan oo ka hadlay aragtida Xasan Shiikh ee ku aadan xalada siyaasadeed ee dalka ayaa waxa uu u qorna sidatan:-

(Soomaaliyey i Maqal)

Ilaa iyo waagii dowladnimada Soomaaliya ay dhalatay 1960kii, mar kasta waxaa jiray caqabado ay shacabka Soomaaliyeed la tacaalayeen ha ahaadaan kuwo siyaasadeed, dhaqaale, ama Bulsho. Inta badan caqabadaha waa xoojin jiray ama adkeyn jiray oo sababi jiray in si sahlan looga gudbi waayo, fahamka dhaqanka dowladnimada casriga ah ay u baahan tahay oo ay ugu horreeyaan sammirka, dulqaad iyo fogaan arag ah wixii aad manta weydo ama aad jecleyd iney dhacaan ee dhici waayay berri ayey ahaanayaan sida aad jeclaan lahayd. Waxaa taa mar walba barbar socday damaca qofka ama kooxda oo inteenna badan aaney awoodin inaan aqbalno waxa Soomaaliya danta u ah ee ka duwan tii aan jecleyn ama rabnay iney dhacdo. Read the rest of this entry

President Farmajo asks Parliamentarians to drop petition against cabinet

image

Abdulqadir Tallman ·

People are pointing fingers at some of the ministers and also at the Prime Minister. I am being told that to be a minister one has to be either pro-Ethiopian or distantly related to president Formaajo or his Prime Minister.
Those three criteria played the main role in the appointment of the new
cabinet.
The Minister of the Interior and the minister for constitutional affairs are from Puntland. They are expected to strengthen federal states. The creation of the federal states was an Ethiopian idea. The aim is to prevent a strong united Somalia. Both Ethiopian and Kenya fear the revival of a strong united Somalia. The two Puntland ministers – interior and constitution– are there to serve Ethiopian interests. They will work to strengthen the federal states which will compete with the central federal government.
I am told that the interior minister was educated in Addis Abeba. And he sent hundreds of Puntland students to study in Ethiopia. He is an Ethiopian friend, to say the least.
The prime minister is said to be one of the owners of SOMAOIL. He is said to have come to Mogadishu in the same plane that brought Kenyan President Uhuru Kenyatta for the inauguration of President Formaajo. The Prime minister is a friend of Norway whose passport he holds. Norway and Kenya are out to steal the Somali sea with its oil reserves.
Poor Somalia had to resort to the International Court of Justice against Kenya.
A prime minister who is one of the owners of SomaOil, a prime minister who is Norwegian, a prime minister who is a close friend of Uhuru Kenyatta (sharing airplanes with him). Read the rest of this entry

Weriye caan ah oo xog aan hore loo ogeyn ka sheegay Farmaajo

IMG_6964Weriye caan ah oo xog aan hore loo ogeyn ka sheegay Farmaajo


SomaliaObservatory – Marka laga hadlayo hoggaamiyeyaashii guulaystay ee caalamka soo marey, Nabi Maxamed (SCW) ayaa wuxuu ahaa hoggaamiyihii ugu waynaa ee abid dunida soo mara, waxaana guulaha hoggaamintiisa -Alle ka sakow- qeyb weyn ku lahaa dadkii Alle ka cabsiga iyo iimaanka badnaa, dadkii caqliga u saaxiibka ahaa ee qiimaha badnaa, ee uu mar kasta la tashan jirey; kuwaas oo uu ku hubay in uu ka helayo talooyin nasteexo leh.

Dhinnaca kalena, sida taariikhdu ay werisay, hoggaamiyeyaasha kale ee caalamka soo marey ee xukunkoodu uu guulaystay waxaa had iyo jeer saldhig u ahaa baraaraha guulahaas dad la-taliyeyaal aad u wanaagsan ah, oo mar kasta hoggaamiyaha kala shaqeeya sidii dalka iyo dadka loo horumarin lahaa, meelna iska dhiga danahooda gaarka ah; oo ka shaqeeya sidii ay u mira-dhali laheyd danta guud ee ummadda. Read the rest of this entry

MUQDISHO WEEY DULMANTAHAY IYADUNA ISMA OGA CIDINA UMA OGA!

IMG_6964MUQDISHO WEEY DULMANTAHAY IYADUNA ISMA OGA CIDINA UMA OGA!

February 17, 2017

Somalia Observatory


Maxaa xuubka caarada na badey xaqana noo diidey? Ma xooleynu nahay, maa dulmiga laga xajiimoodaa? ,Xaqiyo baadil kee baa xurmo leh waa xujiyo yaabe?!!!
(Somalia Observatory).

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo

Aqristoow; xilligii Dastuur-kusheegan/Dal-Tuurkan lasameeynayey, ayaa waxaa qolooyin kala duwan, oo isugu jiray hey’ado caalami ah, dowladaha dariska, iyo kuwa ciidamada eey kajoogaan, iyo waliba ugu dambeyn hal maamul-beeleed,oo ay nasiibdarro! Horboodayeen madax katirsan DFKG aheyd,ayaa kawada shaqeeyey in ay waxay rabaan midkastaahiba ku darsado.Nasiibdarro! Xilligaa waxaa Madaxweyne dalka ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo sanadkiisii ugu dambeeyey saaxiibadii markii laga wada eryey iska seexday, oo khuuradiisa min Villa-Soomaaliya illaa Garowe laga maqlayey, halka Ra’isulwasaarena uu uahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo xaqiiqdii ah qabyaaladiiste gaamuray, dagaal xooganoo dhanka siyaasada ahna kula jira reer Muqdisho/beelweynta (H).

Nasiibdarro! Ninkaan hadafka qabyaaladeed ee uu dalkan kaleeyahay halistiisa ayuu leeyahay, hogaankii hor istaagi lahaana wali ma aanu soobixin, wuxuuna wadamada dariska wakiil uga yahay, sidii aan dib dambe looheli laheyn Soomaaliya oo leh dowlad dhexe oo awood leh, oo dalkoo dhanna uwada talisa, soona celisa sharaftii iyo karaamadii ummadeena, isago taa u arka in ay muhiim u tahay siijritaanka iyo saameynta siyaasadeed ee maamul-beeleedka Puntland. Read the rest of this entry

Xisbiga Xuriyadda – Talooyin Aysan Kalkaaliyayaashaadu Ku Siin – Warqad Furan oo ku Socota Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Halkan Guji si aad Af Ingriisi ugu Akhrisid

imageXisbiga Xuriyadda (The People Of Freedom) – Waxaa laga joogaa muddo sadax sano ah markii shacabka Soomaliyeed ay si kal iyo lab ah ugu diirsadeen in aad ku soo baxday tartankii madaxtinimada dalka oo ay si weyn ugu damaaashaadeen in qof ka tirsanaa bulshada rayidka ah madaxna ka ahaa xarun waxbarasho uu la wareegi karo maamulka dal soo maray dagaallo ba’an iyo dowlad la’aan oo ay muddo badan hor taagnaayeen dagaal oogayaal. Markaan dib u dheehanno, waxaad ahayd shakhsi ku cusub siyaasadda Soomaliya oo aan raad dheer ku lahayn taariikhda xun ee siyaasadeed ee uu dalka soo maray, arrintaas oo ku siisay fursad aad uga hormarto dadkii tartanka siyaasadda kugula jiray. Dhab ahaantii waxaad heshay fursad taariikhi ah oo aad dalkaaga ugu adeegto, waxaadna ka heshay shacabka Soomaaliyeed kalsooni buuxda iyo taageero aan hore loo arag iyagoo si cad kuugu qeexay sida ay u doonayaan isbaddel u horseedi kara nolol wacan iyo nabad kaas oo u baddela dagaalkii sokeeye ee daashaday. Waxaa shacabka si gaar ah u soo jiitay taariikh nololeedkaaga, muuqaalkaaga farxaddu ka muuqato, iyo dabcigaaga suubban tasoo keentay in shacabka Soomaaliyeed iyo inta dalka la saaxiibka ah ay u riyaaqeen guushaada, iyagoo kaa arkay bidhaan rajo ah in aad Soomaaliya ka saari karto dhibaatadii dowladnimo la’aanta ayna u muuqatay in uu baryay waa cusub oo leh hoggaan tayeeysan oo horseedi kara dowladnimo iyo horumar. Runtii waxaad ka mid ahayd madaxda farakutiriska ah ee dadkooda ka helay ayidaad siyaasadeed oo buuxda tasoo ku siin kartay kalsoonida ah in aad dalka hore u socodsiiso, soo nooleeyso ifka qarannimada sii nuxuusaayay, soona celiso xasillooni bulsho iyo siyaasad deggan oo fadhida.

Read the rest of this entry

Xal-Jacburka Xulitaanka Baarlamaanka 2016 iyo Habka Doorashooyinka

image

Moment Research & Consultancy
Spirit Innovation

 Bar AMA Baro – FAALO: Others (NUS 0.5) mar waliba “xaq ma ahan ee waa xal” maku imaan karaa xalka Soomaaliya.

Qoowmiyadda Banaadiri  iyo beelaha kale la mid ah ee aan hubeysneeyn ugu baaqayaa in lagu dadaalo sidii loo joojin/hor’tagi lahaa nidaamka xaq darrada ah ee wax wada qeeybsiga 4.5ka.
Madaxda qabqablayaasha beelaha hubeeysan weli ay maskaxdoodi ka bixin habkaasi, waxaan u sheegayaa marka hore in DHUL DADKIISA ISKA LEH, waxaana leeyahay ka fiirsada waxaad damceeysaan iyo dhulalka sheeganaysaanba, sababtoo ah, Soomaaliya manta dhibaatada ugu weyn ee haysata waa dhul kala haysasho, dowlad Soomaali ahne u dhismi la’dahay in ka badan 20 (labaatan) sano, sidaas darteed beel kastaba haku ekaadaan dhulkoodi ee yeeysaan damcin dhul aan isir iyo assalba u lahayn.
Badbaadinta dhismaha dowladda Soomaaliya waa in loo maraa waddo ku dhisan caddaalad ” SINNAAN IYO CADDAALAD WAA AASAAKA DOWLADNIMADA ” ee yaan lala aadin dulmi ama dano qabiil.

Awood qaybsiga habka 4.5ka ma aha mid ku qotoma caddaaladda iyo sinnaanta, wuxuuna ka soo hor’jeedaa: dhaqanka hiddaha Soomaaliyeed, maxaa yeelay beelaha Soomaaliyeed tiro ahaan aysan isla ekeyn, deegaan ahaanne ay ku kala weynyihiin ; beelaha xaqoodi nus laga dhigay laga yaabo in ay ka tiro badan yihiin beelahaas qaarkoodi ay isku tiriyaan beelaha waaweyn.

Read the rest of this entry

SOMALIYA DOWLAD MAKA DHALAN DOONTAA? (Bar AMA Baro

imageMoment Media Ethics
Bar AMA Baro
Freedom For Right

SomaliaObservatory -Somaliya waxay cagta saartay burburki ugu xumaa ee ummad soo mara qarnigaan 21aad: Su’aasha kore jawaabteeda waxay tahay in aanan marna dalkaan ka dhalan doonin dowlad shaqeysa inta ay jiraan sababaha soo socda:

Maamul goboleedyada la unkay oo loogu tala galay in dalka lagu burburiyo dadkana lagu baraciyo, siiba midka ka dhisan Puntland oo ku sifoobay caqabada ugu weyn ee hortaagan midnimada, nabadda iyo horumarka umadda. Waxay Puntland isu heysataaa inay tahay tiirka uu ku taagan yahay dalka, haddii ay ka hoos baxaana uu dumaayo. Dadka madaxda ka ah ama ka soo noqday gobolkaas waxay isu heystaan Inay dadka kale oo dhan ka sareeyaan, wixi iyagu ay rabaan ayaana meesha ka socon kara….wixi ay ka soo horjeestaana aan sinnaba la qaadan karin. Taas waa kibir iyo isla weyni, waxayna ismoodaan inay la siman yihiin dowladda dhexe …waxay illaabeen xikmadi dheheysay”NINKI ISAGA IS-ARKA INTA AYSAN DADKU ARAG DADKU MA ARKAAN”Waa nasiib darro in dadka masu’uulka ka noqda gobolka Puntland uu afkoodu furan yahay siiba Faroole iyo C/weli Gaas, wixi ay doonaan ku hadaaqa iyagoon ka fiirsan cawaaqib xumada uu afkoodu u keeni karo Iyo cadaawada ay hadalladoodu horseedi karo…xikmad kale ayaa jirta oo dheheysaOo micnaheedu yahay ”Caaqilka carrabkiisa wuxuu ka dambeeyaa caqligiisa dabbaalkana caqligiisa wuxuu ka dambeeyaa carrabkiisa” waxa uu ku hadlaayo kama fiirsado oo caqligi ayaa carrabka ka dambeeya…wuxuu doono iyo wuxuusan dooneyn ayaa carrabkiisa ka soo baxa.
لسان العاقل وراء قلبه وقلب الجاهل وراء لسا نه
من برى نفسه قبل ان يره النا س لم يره الناس
Dadka noocaas ah oo lagu sheego siyaasiyiin, oo maanta ku hardamaaya xukunka dalka, waxaa lagu sifeyn karaa khaayin waddani ismooda, jaahil aqoonyahan isu heysta, dabaal ismooda caaqil.Dalkaan dadki lahaa oo u xanuunsan lahaa waa dhamaadeen ama waa dhoofeen ama waa dhega beeleen oo wax ma maqlaan ama waa tabar beeleen oo wax ma taraan. Haddaba, sidee Somaliya looga badbaadi karaa balaayada soo socota oo ay wadaan cadaawada umadda? Maanta cadaw kale uma baahnin oo waa nagu dhax jiraa…waxaa jira tix maanso ah oo ay tirisay awbwaanadi Maynuun Biyood ee reer Jowhar ahayd oo tiri : CADAW KAAMA DHEERA CALOOSHAADA WAAYE CAWA IYO MAALINEY CUNTO KAA RABGTAA.

Read the rest of this entry

Yaa hogaanka noo haayo? Qormo qaswadayaasha taabaneysa!!

imageYAA HOGAANKA NOO HAAYA?

Bar AMA Baro – Waxaa socda shirar ka kala dhacaya meelo kala duwan sida Boosaaso, Cadaado iyo Dh/Mareeb…Waxyaabaha dadku aysan dareemin waxaa ka mida in kulanka Boosaaso uu ahaa mid iska yar oo C/Weli Gaas ugu tala galay inay ku kulmaan asaga , Axmad Madoobe iyo Qaswadayaasha Xamar ka tegay oo qaarkood u dhar-dhigtay in shacabka Muqdisho u gefaan, kuna tilmaamaan tuugo dadka ka furta waxa ay sitaan hoos ka Dhageeso.

In talada dalka aysan ku jirin gacanteena waxaa markhaati ka ah in Madaxweyne Xasan Sheikh, oo aan filaayo inaysan qorshaha ugu jirin, lagula taliyay inuu Boosaaso tago, horena u wato badiba shakhsiyaadka ugu dhaw-dhaw oo dhan. Munaasabada Boosaaso waxay tahay, sida la sheegay, garoon diyaarad oo la furaayo oo aan mudneyn in intaas oo masu’uuliyiin ah ay isugu tagaan, waa haddii ay talada iyaga ka go’odo, balse waa arrin, aan u maleynayo, in meelo kale lag maamulo.

C/Weli Gaas wuxuu sugaayay Axmad Madoobe iyo Qaswadayaasha Xamar si ay uga tashadaan carqaladeynta iyo fashilinta shirka Kismaayo, waxayse arrintu isu beddeshay mid aysan Puntland shaqo ku lahayn, arrinkina laga fara maroojiyay, lagana dhigay mid Qaran ay iyagu laftoodu marti ka yihiin. Bahdilka C/weli Gaas waxaa sii kordhiyay dhacdo uusan marna fileyn in saaxibkiis Madoobe uu tegaayo Galmudug, aqoonsi buuxana siiyay Cabdikariim Guuleed iyo Galmudug.

Dhanka kale, C/kaiim Guuleed isagana waxaa ku dhacday dharbaaxo lama filaan ahayd oo uu ku dhuftay Jawaari kaddib markuu tegay Dh/Mareeb oo ku ahayd Galmudug laf-dheray-geli weysay.

Waxaa jirtay sheeko kaftan ahayd oo carbeed (NUKTA)…nin Acraabi ah (reer baadiyo) oon weligii salaad dukan ayaa la geeyay masaajid markaasaa la yiri dadkan la duko oo sameey wixi la sameeyo. Wuxuu istaagay imaamki gadaashiisa oo sujuudi ugu horreysay ayaa acraabigi isagoo sujuudsan xiniinyaha laga qabtay..isagoo fulinaaya taladi ahayd wixi la sameeyop sameey uu asagina Imaamki ka qabtay xiniinyaha; Imaamki ayaa yaabay oo markuu sujuudi ka soo noqon waayay uu sameeyay calaamadi Xiim…xiim..si uu isaga fujiyo acraabigi..kaasoo isagana la hadlay Imaamkli oo yiri ” ama xiim dheh ama xaax dheh kullunaa maqfuuliin”war meesha waa la isku wada dheggan yahay.”

Dadki umadda madaxda u noqday waa dad iyaga oo dhan is-wada heysta oo xiniinyaha isaga dheggan hogaankana loo haayo oo meeshi loo diro iyo wixi la faro fulinaaya hadal la’aan…Sababta keentay in Madaxdi dalka ugu sareysay ay isugu tagaan mataar la furaayo oon wax ahamiyyad gaar ah aan lahayn, ajenda laga hadlaayana uusan muuqan, wax kulan ah oo dhex mari karaa inta meesha isugu tagtay uusan jirin.

Inta dareenka leh waxay meeshaas kala soo bixi karaan, , in hogaanka dalkaan uusan ku jirin gacanta Soomalida. Shirka lagu ballansan yahay ee Kismaayo waa mid dhalanteed ah oo dadka lagu marin habaabinaayo, wax natiijo ahna aan laga fileyn inay ka soo baxaan. Kuwa hoogaanka u haya Somaliya haddey rabaan waxay arrinta ku dhammeyn karaan Boosaaso oo ay wada joogaan cayaartoydi oo dhan, kuwa maqanna muddo kooban lagu keeni karo ama lagu amro inay yimaadiin wixi la farana ay fuliyaan su’aal la’aan.

Shacabka Somaliya waa kuwo aan marna wadaagin dareen dal jeceyl oo wixi la isu sheego oo waano iyo wax-is-tusin ah oo danta dalka ku jirto ay qaar u arkaan mid u daneyheysa jufo gaar ah, marka waa arrin u xalaalowday kuwa na heysta inay sidi eri carbeed hadba xero nagula soo oodo oo naloo tusiyo kan walaalkaa ah inuu yahay cadaw mudan in lala dagaallamo, waa tii uu ka dhawaajiyay C/weli Xiirane (Yuulka) oo u hanqal taagaya inuu Somali madaxweyne u noqdo isagoo caddeystay cadaawada iyo neceybka uurkiisa ku jira taasoo ka tarjumeysa caqligiisu intuu la’egyahay….Ilaahow kuwa asaga oo kale ah, ama ka liita, talo ha noogu dhiibin!!! AAMIIN.. AAMIIN.

Bar AMA Baro

THE UN MONITORING GROUP REPORT ON SOMALIA AND ERITREA

Mohamed Ali Nur “Americo”

Mohamed Ali Nur “Americo”

Misappropriation of funds at the Somali Embassy in Nairobi

The Monitoring Group has discovered serious irregularities concerning the management of public financial resources at the Somali Embassy in Nairobi and has conducted an investigation into funds collected by the embassy for passports and other travel documents for the period January 2014 to April 2015.
The former Somali Ambassador, Mohamed Ali Nur “Americo”, had been in office for more than 10 years and was the longest-serving diplomat in Kenya. He was recalled to Mogadishu in early April 2015. The newly nominated Jamal Hassan began his mandate on 4 August 2015 after the Government of Kenya accepted his credentials. Sources informed the Monitoring Group that approximately 10days prior to his recall Ambassador “Americo” brought a team of IT specialists into the Embassy, allegedly to perform updates on the embassy’s computers. In fact, information was removed from the computers and many documents were also destroyed. Read the rest of this entry

Kacaankii 21kii oktoobar, waxaa xukunka si xoog ah looga qaaday 21 sano kaddib, muddo 25 sano ahna waxaa la la’yahay qof kursigii madaxtinimada ku xasila

Kacaankii 21kii oktoobar, waxaa xukunka si xoog ah looga qaaday 21 sano kaddib, muddo 25 sano ahna waxaa la la’yahay qof kursigii madaxtinimada ku xasila

Kacaankii 21kii oktoobar, waxaa xukunka si xoog ah looga qaaday 21 sano kaddib, muddo 25 sano ahna waxaa la la’yahay qof kursigii madaxtinimada ku xasila

Maanta oo ay ku beegan tahay 21ka oktoobar, waa maalin xusuus weyn ku leh shacabka Soomaaliyeed, maanta oo kale sannadkii 1969kii waxaa dalka ka curtay afgenbi ay hoggaaminayeen ciidanka dalka Soomaaliyeed, waana afgenbi aan dhiigna ku daadan shacabka Soomaaliyeedna ay aad iyo aad u soo dhoweeyeen, haseyeeshe maalinba maalinta ka sii danbaysay waxaa hoos u dhacayay jacaylkii ay dadka u qabeen kacaankooda.

Shaki kuma jiro in kacaanku uu dalkii dhisay, sumcadna uga sameeyay adduunka, qoraal ay dadka isku fahmaana wuu hirgeliyay,kala danbayn iyo nidaam dawladeedna waa la ansaxiyay, cadowga ku maqan dhulka Soomaaliyeedna iyo kuwo kaleba wuxuu tusay in aan nahay dal jira iyo dad jira, shirarka adduunka waan ka muuqan jirnay, ciidan xoog leh oo ka dhisan cirka, dhulka iyo badda ayaa la dhisay, ciidankii waxaa la gaarsiiyay heer ah in laga baqo, duniduna uu argaggax geliyo,waxaa loo hanweynaa in dalka la gaarsiiyo horumar dhinac kasta leh, waxaa loo ordaayay in la sugo midnimada ummadda Soomaaliyeed oo imminka iska daa kuwii maqnaaye kuwii sugnaa baaba la kala diray, ayna adag tahay imminka in la helo midnimo Soomaaliyeed iyo ciidan xoog leh, inkastoo qaddarka Allah ay meesheeda tahay oo Allah uu awoodi karo in aan lahaano hal ciidan, hal madax, hal dawlad iyo midnimadii oo la soo celiyo.

Hoggaamiyihii kacaanka Allaha u naxariiste Maxamed Siyaad Barre markuu is mahdiyay ayuu is yiri:si ay awooddaada u adkaato, waa in aad ku dayataa madaxda shuuciyada ah oo iyagu dalalkooda gacan bir ah ku maamulayay, wuxuu markaasi qoorta gashaday mabda´ii shuuciyada, diintii islaamkana si tartiib tartiib ayaa looga fogaanayay, wadaaddo u nacam lehna wuu samaystay.

Mareykanka oo cadow ku ahaa shuuciyada ayaa olole u galay sidii Soomaaliya looga soo goyn lahaa xerada shuuciyada, wuxuu markaasi adeegsaday madaxweynihii Masar Anwar Assaadaat oo saaxiib la ahaa Mareykanka, waxayna isla qorsheeyeen sidii kacaanka hunguri loo gelin lahaa, xerada jaamacadda carabtana loo gelin lahaa, waxaana ugu danbayntii lagu guulaystay in bishii Febraayo 14keedii sannadkii 1974kii in Soomaaliya loo oggolaado in ay xubin ka noqoto jaamacadda carabta, ulajeeddada ugu weyna ay ahayd sidii Soomaaliya looga soo goyn lahaa Ruushka iyo shuuciyada ee ujeeddadu ma´ahayn Soomaalidu waa carab, dalkuna waa dal carbeed. Read the rest of this entry

Aragti suubban iyo eray suugaan

imageMoment Free Media – Horumarka baaxadda wayn, ee maanta ay dunidu ku tallaabsatay iyo horukaca ballaaran, ee uu gaaray caalamku, kuna sugan yahay xilligan, waa mid aad u wayn aanna ku soo dhicin dadkii naga horreeyey maankooda inay ku fekeraan iska daaye, waxaaba laga yabaa inaysan rumaysnayn inay ku iman karto isbedel noocaan ah caalamka .

Horumarkaa oo meelo kala duwan si qoto dheer u saameeyey sal iyo baarna taabtay, isbadallo la yaab lehna ku yimaadeen hab nololeedka noolaha guud ahaan gaar ahaan bani Aadamka, maadama uu Ilaahay aad u karaameeyey kana fadilay makhluuqaadka fara badan ee uu abuuray sida ku cad ayadda ku jirta suratu Al-isra nabarkeduna yahay (70).

Haddii marka aan usoo laabto ujeeddada maqaalka, sida cinwaanka ka muuqata waxaan wax ka iftiimin doonaa feker beeleedka, oo adeegsanaya qalabka warbaahinta iyo hurinta colaadaha.

Web-kuna wuxuu ka mid yahay horumarradaas aan soo sheegnay, gaar ahaan dhanka war isgaarsiinta, tabinta fikradaha ra’yiyada iyo guud ahaan qalabka war baahineed, oo ay ka mid yihiin TV-iiga, Idaacadaha Wargaysyada Web-ebka IWM.

Haddaba markii ay soo shaacbaxday adeegsiga websate-yada horrantii sagaashamaadkii si baaxad lehna ay isticmaalkiisu ugu baahay kuna faafay adduun waynaha dabayaaqadii qarnigii tagay, ee aan soo dhaafnay, waxaa aad loola yaabay kacaanka macluumaatigaa ee adduunku gaaray, taasina waxay qayb ka tahay globalization-ka ama sida ay dadka qaar yiraahdeen (carro edegayn ) oo macnaheedu yahay adduunka oo laga dhigo hal tuulo ama hal qol oo kale. Read the rest of this entry

Interview with Ambassador David Shinn

Interview with Ambassador David Shinn

imageSunday, September 27, 2015 – David H. Shinn is an American diplomat and professor. He is an Adjunct Professor of International Affairs at The George Washington University’s Elliott School of International Affairs.


Ahmed Hirsi: Mr Ambassador is it technically possible that free and fair elections could be implemented in Somalia given that Somalia is a fragmented and feudal society, with no voter’s register in existence, there are no institutions to both plan, manage and the constitution that does exist today is both ambiguous and provisional and to make things worse there is no official or credible census that could be used during elections?

David Shinn: It is possible for Somalia to experience free and fair elections. Somalia had a history of reasonably good elections in the 1960s before the takeover of the government by Siad Barre. As you suggest, it will take a long time to create the institutions, census, and registration of voters that permit free and fair elections. But it is possible.
AH: If the International Community is serious and committed about the Al-Shabaab menace how come, the Somali armed forces are not trained and equipped in large numbers apart from the few thousands from one or two regions in Somalia, that have been trained in neighbouring countries ? Read the rest of this entry

MAXAAN KA BARANAY DAGAAL SIYAASADEEDKA SOMALIA ?

SomaliaPolitics – Siyaasadu wax la isa siiyo amaba la isu hibeeyo ma ahan ee waa Xisaab. Dabcan Xisaabtuna waa Science. Waad ku guulaysan kartaa Siyaasada laakiin guushaada siyaasada waa inaad si fiican ugu ciyaari kartaa ciyaarta siyaasada.

Shalay Badda, Maantana Webiga: DF oo Ethiopia iyo Kenya ku wareejisay Biyo Xireenkii BAARDHEERE + Caddeynr

Dadka lamid noqo

 

Heshiis awood qeybsi ah oo dhexmaray Cabdiweli Gaas & Maxamed Cali (Ameeriko)

Heshiis awood qeybsi ah oo dhexmaray Cabdiweli Gaas & Maxamed Cali (Ameeriko)

Heshiis awood qeybsi ah oo dhexmaray Cabdiweli Gaas & Maxamed Cali (Ameeriko)

SomaliaObservatory – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan dhowaan ay Garowe ku yeesheen madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Cali Gaas & safiirkii hore Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo socdaal loogu magac daray “Nabadda” ku maraya qaar ka mid ah Gobolada dalka.

Maxamed Cali, oo muddo 10 sanno ku dhow hayey xilka safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa ogolaaday inuu xilka safaarada Kenya wareejiyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ay isku afgarteen in loo magacaabi doono xilka Guddoomiyaha & duqa Gobolka Banaadir, hasse ahaatee balanqaadkaasi wuxuu meelmar noqon waayey markii Guddoomiyaha xilka haya isaga oo isticmaalay odayaasha ugu magaca weyn beesha Mudulood uu ku guuleystay in Xassan Sheekh ay culeys ku saaraan in Muungaab xilkiisa loo daayo. Read the rest of this entry

Madaxweyne Safar Raadis ah (Qormo Sir iyo Macluumaad xinbaarsan )

Madaxweyne Safar Raadis ah (Qormo Sir iyo Macluumaad xinbaarsan )

Madaxweyne Safar Raadis ah (Qormo Sir iyo Macluumaad xinbaarsan )

SomaliaObservatory – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaa lagu eedeeyaa in ay safarradiisu tirada ka bateen. Kartuuniste Amin Amir oo badiyaa siyaasadda sawira ayaa ku soo qaatay kartuun uu dhowaan sameeyay. Waa Madaxweynaha oo markaas safar ka soo laabtay oo la taliyeyaashiisa weydiisanaaya in uu jiro shir kale oo caalami ah oo uu ka qeyb geli karo.

Maqaalkaan waxaan ku soo bandhigayaa waxa ii soo baxay ka dib markii aan baaritaan ku sameeyay in waxa laga sheegayo Madaxweynuhu ay sax yihiin iyo in kale. Baaritaan aan ugu fiirsanayo ayaan ku sameeyay safarradii Madaxweynaha ee 2013: xaggee booqday, muddada uu joogay, ujeeddada iyo waliba tan ugu muhiimsan oo ah waxa ku baxay iyo waxa laga faa’iiday iyo in kharashkaas loo isticmaali karay wax ka muhiimsan safarka Madaxweynaha.

Macluumaadka waxaan ka helay in aan u fiirsaday wararka ay qoreen baraha internetku, oo ayagu si joogta ah u qora dhacdooyinka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin safarrada Madaxweynuhu uu dibadda ugu baxo. Iyo waxaa kale oo aan eegay miisaaniyadda Laamaha Dowladda aniga oo wareysiyo ka qaaday xiriirro muhiim ah oo aan Dowladda ku leeyahay (kuwa hore iyo qaar hadda ahba). Read the rest of this entry

Moment Research & Consultancy

Moment Research & Consultancy
Ibrahim H. Abukar, founder and president of the Xisbiga Xuriyadda ( The People Of Freedom )

Moment Research & Consultancy Ibrahim H. Abukar, founder and president of the Xisbiga Xuriyadda ( The People Of Freedom )

Moment Research & Consultancy
Ibrahim H. Abukar, founder and president of the Xisbiga Xuriyadda ( The People Of Freedom )

Nidaam dowladeed caynkeeba ku haboon dalkeena Soomaaliya

SomaliaObservatory - Nidaam dowladeed caynkeeba ku haboon dalkeena Soomaaliya

SomaliaObservatory – Nidaam dowladeed caynkeeba ku haboon dalkeena Soomaaliya

SomaliaObservatory – Waxaa waayadan si aad ah u soo labakacleeyey dooddo ku aadan nidaam dowladeedka ku haboon dalka Soomaaliya ka dib markii uu fashilmay nidaamka federaalka, Islamarkaana uu abuuray mushkilado hor leh oo qatartooda leh, Kuwaas oo ay ugu horeyso colaado ku salaysan deegaanka. Nidaamkan, ayaa waxa uu sidoo kale dib u soo ciliyey xurguftii u dhaxeysay Beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa isku arko in ay yihiin Beelo waaweyn.

Waxa uu sidoo kale nidaamkani albaabada u furay fowdo siyaasadeed oo aan horay loo arag nooceeda oo kale, Taas oo ay calanka u sidaan Atoorayaasha horbooda Maamul Goboleedyada dalka, sida Siilaanyo, Cabdiwali Gaas, Shariif iyo waliba ninkii wadaadka ahaan jiray (Axmed Madoobe), Kuwaas oo u arkay in nidaamka Federaalka uu yahay nidaam siinayo awoodo ay heshiisyo kula gali karaan dalal shisheeye sida kuwa Dariska oo kale ! Read the rest of this entry

Xog Cusub oo laga helay khilaafkii ka dhex Curtay MD Xasan shiikh & RW CC | HEL , LA HEL LA WAA AYAA U DAMBEYSA |

Xog Cusub oo laga helay khilaafkii ka dhex Curtay MD Xasan shiikh & RW CC

Xog Cusub oo laga helay khilaafkii ka dhex Curtay MD Xasan shiikh & RW CC

Somaliaobservatory – 16 May 2015: Warar hoose oo naga soo gaarayo dhanka Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha uu bilaabay Siyaasado uusan la dhicin Madaxweynaha Dalka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ra’isul wasaaraha uu bilaabay inuu la xisaabtamo Xafiiska Madaxweynaha, isagoona dhowr jeer ka dhaga adeegay qoraalo kasoo baxay Xafiiska Xassan Sheekh.
Sargaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in ilaa iyo Seddex warqadood oo amar ah kana baxay Xafiiska Madaxweynaha uu laba kamid ah dib usoo celiyay R/W CCC.

Read the rest of this entry